Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir oo saaka qarax ka badbaaday

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa saaka ka badbaaday qarax miino oo lagula eegtay meel ku dhow Hoygiisa, isagoo la socday gaarigiisa, iyadoo la sheegay in aanu wax qasaare ah uusan geysan.

Jen. Axmed Xasan Maalin Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxa loo dhigay wado uu maro marka uu hoygiisa ka soo baxo, waxaana uu tilmaamay inay qabteen hal ruux.

“Qaraxa waxaa la dhigay wado uu mari jiray oo gurigiisa ku taal dhanka KM4, nin ka dambeeyay qaraxaas oo cararaya ayaa lagu qabtay dhinaca Taleex, waan heynaa, wuuna qirtay inuu ka dambeeyay”ayuu yiri Jen. Maalin.

Jen. Maalin ayaa sidoo kale sheegay in ruuxa ay u qabteen qaraxaas uu sheegay in laga soo diray degmada Huriwaa, isla markaana ay ku hayaan aaladii uu wax ku qarxiyay ee Remote Koontarool sida uu hadalka u dhigay.

Qaraxa miino oo ahaa mid xoogan ayaa laga maqlay xaafadaha ku xeeran KM4, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in qaraxa kadib rasaas ay maqleen.

Taliyaha Ciidamada nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa hormuud ka ahaa howl galada Ciidamada nabadsugida ka wadeen degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasoo ay ku qab qabteen dad fara badan, Hub iyo waxyaabaha qarxa.

Maalin ka hor ayay aheyd markii nawaaxiga Warshada Coca Cola gaari ay la socdeen Ciidamada dowladda qarax miino lagula eegtay, kaasoo ay ku dhinteen hal ruux saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dad rayid ahaa

 

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980