Gudoomiyaha Degmada Laasacaanood oo Bambo lagu weeraray Gurigiisa

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya inuu hal qof ku dhaawacmay qarax ka dhashay bam gacmeed caawa lagu tuuray guriga guddoomiyaha demgada Laascaanood.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiiyey in qaraxaasi uu dhacay xili lagu jiray salaada taraawiixda isla mara ahaan taana uusan jirin wax khasaare ah oo saa u badan oo uu gaystay qarxaasi, marka laga reebo wiil uu adeer u yahay Maayarka Degmada Laascaanood oo dhaawac yari kasoo gaadhay qaraxaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaasi uu ahaa Bambo gamceed taas oo lagu tuuray guriga Maayarka Degmada Laascaanood, waxaana sidoo kale Magaalada gudaha laga dareemay qaraxasi.

Hadaba qaraxani kadib markii uu dhacay ayaa ciidamada Police-ka ee Degmada Laascaanood guud ahaan ba waxa ay albaabada iskugu dhufteen goobaha ganacsiga ee ku yaala Magaalada Laascaanood, waxa ayna sidoo kale hawl gallo ka bilaabeen qaybaha kala duwan ee Xaafada Magaalada Laascaanood. Dhaqa rasaasta kala duwan ayaa si weyn looga maqlayaa gudaha Magaalada Laascaanood tan iyo markii u dhacay qaraxaasi.

Ilaa hada mala oga sababaha ka dambeeyey qaraxani waxaana hore uga dhacay Magaalada Laascaanood qaraxyo noocan kale ah kuwaas oo lala beegsaday Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980