Haweenka Ximin Iyo Xeeb oo Soo Jeediyay Caasho Xaaji Cilmi Inay kamid noqoto Baarlamanka Cusub
Ururada haweenka ee maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa maanta kulan ay ku
yeesheen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka soo jeediyay in
Caasho Xaaji Cilmi lagu daro xubnaha baarlamaanka cusub ee ay
yeelanayso Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid muddo socday ayay haweenku is tuseen in Caasho ay
dhinacyo badan ku wanaagsan tahay, ayna sameysay howlo samafal ah,
sidaa darteeda ay taageerayaan in ay ka mid noqoto baarlamaanka cusub.
Afhayeenka ururrada haweenka ee maamulka Ximan iyo Xeeb Faadumo
Maxamed Maxamuud ayaa gagaduudnews u sheegtay in codsigoodu uu ku
wajahan yahay odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka cusub iyo
madaxda dalka intuba.