Saxiixayaasha Road Mapka oo qodobo kasoo saaray kulankii Nairobi iyo Mahiga oo ku booday Shariif Xasan
Saxiixayaasha Road Map-ka oo uu ka maqan yahay Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa kulankoodii Nairobi kasoo saaray qodobo ku aadan xaaladda kala guurka ah.
Shirka saxiixayaasha oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda kala guurka gaar ahaan sidii waxkasta ay ugu dhici lahaayeen sidii loogu talagalay.
Gudoomiyaha barlamaanka dowlada Shariif Xasan Sh Aadan ayaa soo jeediyay in doorashada Gudoomiyaha barlamaanka dib loo dhigo tan madaxweynahana lasoo hormariyo.
Hase ahaatee Ergayga QM ee Soomaaliya Augostine Mahige ayaa diiday hadalka Shariif Xasan isagoo sheegay in sida sharciga ah ay tahay in doorashada gudoomiyaha barlamaanka lasoo hormariyo.
Markii shirka uu soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada lahadlay Ra’isul Wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas kaas oo sheegay in kulanka uu si wanagsan kusoo dhamaaday.
“Waxaan ka wadahadalnay dhamaystirka Road Map-ka iyo in xili kasta sidii loo qorsheeyay ay wax udhacaan”ayuu sheegay Ra’isul Wasaare Gaas.
Waxaa uu tilmaamay in xiligii loogu talagalay ay dhici doonto doorashada Madaxweynanimo iyo tan Barlamaanka.
Ergayga gaarka ah ee QM uqaabilsan Soomaaliya Augostine Mahiga ayaa isagana saxaafada hadal kasiiyay waxyaabihii kulanka kasoo baxay.
Waxaa uu sheegay in saxiixayaasha ay kawada hadleen sii wadida qodobada harsan ee ay tahay in la meel mariyo.
“Arimaha lasoo hadal qaaday waxaa kamid ah soo xulida barlamaanka cusub iyo qaabka ay udhacayso, waxaana la isla gartay in gudiga hada howsha ku jira loo madaxbaneeyo’ayuu sheegay Mahiga.
Sidoo kale Mahiga ayaa sheegay in la raaci doono sharci doorashada, doorashada gudoomiyaha barlamaankana ay kasoo hormari doonto tan madaxweynaha.
“Waxaa sharciga uu yahay in doorashada gudoomiyaha barlamaanka ay soo hormarto tan madaxweynanimada ay ka daba marto’ayuu sheegay Mahiga.
Kulanka ayaa waxaa ka baxay Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed kaas oo usoo duulay Magaaladda Muqdisho.
Waxaa jiray qodobo badan oo madaxweynaha uu diidanayaa gaar ahaan doorashada madaxweynanimo iyo tan gudoomiyaha barlamaanka mid asoo hormaraysa.