Xagee Mareysaa Arinta Hogaamiyaashii Kooxaha iyo Aalla Sheekh ee loo Diiday in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Cusub

Waxaa Wali la isku mari la’ yahay in Hogaamiyaasha Kooxaha ee lagu eedeeyay in ay Dambiyo Galeen iyo Kooxda Aalla Sheekh oo kamid ahaa Maxaakiimtii Islaamiga in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo intii badneed la dhaariyay shaqadoodana bilowday.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh hariif Sheekh Axmed ayaa wali ku adkeesanaya in muhiim tahay in dib loogu Celiyo Xubnaha Baarlamaanka in ay noqdaan Xubno kabadan 50-Xubnood ay soo celiyeen Gudiga Farsamada ee soo xulaya Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
Odayaasha Dhaqanka naftooda waxa ay ku adkeesanayaan in aysan marnaba badaleen Xubnaha ay horey u gudbiyeen beelahooda soo xusheen ee Gudiga Farsamada Dib usoo celiyeen taa oo xaalada uga sii dartay.
Gudiga Farsamada Dhankooda waxa ay ku adkeesanayaan in aysan aqbaleyn in lagu soo celiyo xubnihii ay horey u celiyeen ee Hogamiyaasha Kooxaha iyo Kooxaha kale ee eedaha usoo jeediyeen Gudiga Farsamada ee Soo xulaya Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
Kulamo kala gooni ah oo maalmahan socday soona gaaray ilaa maanta loogana hadlayay sidii arntaasi xal looga gaari lahaa ayna lahayaeen Madaxweynaha ,Beesha Caalamka iyo Gudiga Farsamada ayaan wali natiijo rasmi ah kasoo bixin.
Hogaamiyaasha Kooxaha iyo kuwa Aalla Sheekh iyo Xubno kale oo lasoo celiyay ayaaana wali Rajadooda ay ka qabeyn in Xildhibaano noqdaan dhimana sidoo kale rajo badana kama qabaan in la aqbalo oo ay kamid noqdaan xubnaha Baarlamaanka cusub taa oo rajadooda ka dhigeysa midaan dhiman walina nooleyn.
lama saadaalin karo wali xaalka Xubnaha Baarlamanaka ee lasoo celiyay oo la sheeagyo in ay u badanyihiin Xubno taageersan sheekh Shariif in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub iyo in toos loo rajo tiro oo lagu badalo dadkale ,inkastoo Madaxweyne Shariif uu dagaal ugu jiro sidii loo ogolaan lahaa Xubnahaasi.

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980