Fu’aad Shongolle “Xalkeenu wuxuu ku jiraa inagoo u noqono Alle S.W.T , baryanada aynu badino” Daawo Sawirada

Fu’aad Shongolle oo maanta sheegay in dalka Soomaaliya ay ka jirto xaalad adag, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in amuurtaasi looga bixi karaayo oo kaliya, iyadoo ay dadku u laabtaan Alle xagiisa.

Barxad ku taalla deegaanka Calaamadaha oo ay maanta iskugu soo baxeyn boqolaal ruux, oo ay hormuud ka ahaayeen saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay maanta ay halkaasi ku tukadeen Salaad Roob-doon ah.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle” oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu goobtaasi uu ka jeediyay hadal ka duwan kuwii horey looga bartay.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maanta dalka Somaliya ay ka jirto xaalad aad u adag, wuxuuna sheegay in maanta taasi looga bixi karo oo kaliya, in Alle “S.W.T” xagiisa loo-laabta.

“Xalkeenu wuxuu ku jiraa inagoo u noqono Alle S.W.T , baryanada aynu badino, maanta waxaanu aragnaa in xaalad adag ay ka jirto dalka, si uu Alle inoogu naxariisto waa in’aanu u laabanaa, baryaduna aynu badino” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Shongolle.

Sheekh Shongolle ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed uu ku booriyay inay dib ugu laabtaan Alle xagiisa, isagoo sheegay inaanan marnaba baryada laga aqbadi doonin, waa haddii buu yiri aysan dadku u laaban Alle xagiisa’e.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle”, ayaa wuxuu maanta uu ka gaabsaday in uu dadku uu ugu baaqo inay ka qeyb qaataan dagaalada, wuxuuna taasi badalkeeda uu maanta shacabka u jeediyay inay Alle u laabtaan, si looga baxo dhibaatada maanta ka jirta dalka.




Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980