Qaraxyo laga cabsi qabo inay ka dhacaan Magaalada Boosaaso iyo Laamaha amniga oo heegan la geliyay
Feejigaan xoog leh iyo baaritaano ay wadaan ciidamada Booliska iyo kuwa sirdoonka ayaa ka socda qaybaha kala duwan ee Magaalada Boosaaso sidoo kale waxaa intaas dheer in albaabada loo laabay dhamaan xafiisyadii dowlada sida Xafiiska Degmada,Gobolka,Bangiga iyo xafiisyada wasaaradaha kala duwan sida Maaliyadda ,Dekeddaha iyo kuwo kale.
Dhaq dhaqaaqii ganacsiga Boosaas ayaa ku socda si gaabis ah, waxana sidoo kale aan camirneyn meelaha la isugu yimaado sida makhaayadaha fadhi ku dirirka iyo hoteelada.
Dhamaan arimaha aan soo sheegnay ayaa maanta ka socda Magaalada Boosaaso , waxana magaalada ka jira dareen cabsi ah kasoo aan laga warqabin halka uu ka socdo iyo meesha usocdo balse waxa hal mar magaalada soo galay warar xanbaarsan dhiilo coladeed iyo baqdin kuwasoo sheegaya in magaalada ka dhici doonaan qaraxyo kala duwan oo gaaraya ilaa 5-qarax kuwasoo laga fulin doono xarumaha dowlada iyo meelaha la isugu yimaado.
Booliska Boosaaso gaar ahaan kuwa sirdoonka ayaa ku guuleeystay inay helaan xogta sheegaya inay dhici karaan qaraxyo la soo qorsheeyay oo ismiidaamin ah oo loo adeegsan karo baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kuwasoo kal hore soo galay magaalada Boosaaso.
Xiriiro aanu la sameynay laamaha amaanka sida Booliska ayaan suuroobin ilaa hada inaan helno xog dheeri ah waayo dhamaan saraakiisha booliska ayaa ka gaabsaday inay la hadlaan saxaafada.
Dad shacab ah oo magaalada ku sugan oo aanu la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in ilaa hada ay socdaan baaritaanada ciidamada boolisku wadaan balse aysan garan karin wax kale oo cusub .