Faroole oo Amaan darada Gaalkacyo ku Ee deeyay Al-shabaab
Madaxwaynaha maamul Goboleedka soomaaliyeed Ee Puntland Cabdirixman Faroole ayaa eedayn dusha oga tuuray malayshiyada kooxda Al-shabaab asagoo ku eedeeyay amaan darada ka taagan maamulka puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo dhawaanahaan ay dilal qorshaysani da dhacayeen laguna ugaarsanayo masuuliyiinta ugu saraysa Gobolka mudug.
Faroole ayaa maruu ka hadlayay fadhigii Baarlamaanka Puntland ay maanta ku yeesheen Magaalada Garoowe ayaa wuxuu soo hadal qaaday Amaan darada Magaalada Galkacyo wuxuuna sheegay in aysan magaalada Gaalkacyo ku dagaalamayn Beelo ee ay ku dagaalamayaan ayaga iyo Al-shabaab.
Puntland waxaa kusoo dhuuntay kooxo xariir la leh Al-Shabaab oo wada amaan xumada”ayuu sheegay Dr Faroole ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cidkasta oo Amaanka Gaalkacyo isku dayda in ay khal khal galiso.