11 nin oo u dhashay dalka Pakistan oo magaaladda Cadaado lagu heystay oo Nairobi loo-qaaday

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa wuxuu suurta gelliyay in 11 nin oo u dhashay dalka Pakistan, oo ay maal-mahaanba ku hayeen magaaladda Cadaado in loo-duulliyo magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa wuxuu ku guuleystay in bilowgii bishaan uu gacanta burcad badeeda ee Soomaalida uu ka soo saaro 11 nin oo u dhashay dalka Pakistan, oo ay u afduubnaayeen muddo dhan 10 bilood.

Dadkaan ayaa waxaa la-keenay magaaladda Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyadoo loo-sameeyay daryeel iyo hoy wanaagsan oo ay ku nagaadaan, isla-markaana Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa wuxuu xiriir uu la-sameeyay Safaaradda ay Pakistan ku lee-dahay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii raggaan dib loogu celin lahaa dalkoodu, isla-markaana Safaaradda ayaa waxay diyuurad gaar ah ay u soo dirtay raggaan, si’ay diyuuradu u geyso magaaladda Nairobi.

Diyuuradaan ayaa waxay ka soo caga-dhigatay Garoonka Diyuuradaha ee Magaaladda Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isla-markaana waxaa si qurux badan raggaani looga amba bixiyay magaaladda Cadaado.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Maamulka Ximin iyo Xeeb, ahna ku Simaha Madaxweynaha Maamulka Ximinka iyo Xeeb Mudane C/Laahi Faarax Sandheere, ayaa wuxuu warbaahinta uu kula hadlay Garoonka Diyuuradaha ee Magaaladda Cadaado, isla-markaana wuxuu faah faahin uu ka bixiyay, sida loo-suurta gelliyay in raggaan la-geeyo Safaaradda ay Pakistan ku lee-dahay magaaladda Nairobi, si hadhow dadkaasi loogu qaado dalkoodu.

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa wuxuu raggaan uu jeebabka u sii gelliyay lacago jid-mar ah, isla-markaana shakhsi kasta ayaa wuxuu Maamulka uu siiyay lacag dhan Boqol Dollarka Maraykanka ah “$1,00Us”.

Magacyada 11-ka nin ee u dhashay dalka Pakistan.

Maxamed Xafiid Saalax waa xaasle, wuxuuna lee-yahay seddex wiil iyo laba gabdhood.
Rabiic Maxamed Shabil waa xaasle, waxaa dhalay hal wiil iyo shan gabdhood.
Ibraahim Abuu Maxamed Waa xaasle, wuxuuna dhalay wiil iyo gabadh.

Saalim Maxamed waa xaasle, wuxuuna dhalay laba wiil iyo laba gabdhood.
Gudad Jashii waa xaasle, wuxuuna dhalay afar wiil iyo laba gabdhood.
Rahiim Bachsha waa xaasla, wuxuuna dhalay seddex wiil iyo laba gabdhood.

Muniir waa xaasle, wuxuuna dhalay seddex wiil iyo gabadh.
Maxamed Ali Nur waa xaasle, wuxuuna dhalay hal wiil oo qura.
Khadir Shadaad waa xaasle wuxuna dhalay hal wiil oo kaliya.

Yoonis Walad Abdalla weli muusan guursan.
Daahir Ali Basha wali muusan guursan.

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980