Xarakada Al Shabaab oo sheegtay qorshaha ay ka lahaayeen weerarkii ay ku qaadeen Villa Baydhaba?

Xoogaga Shabaab oo dagaalo xoogan kula jira Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay sheegteen inay ka dambeeyeen qaraxii xooganaa ee maanta gil gillay Dhismaha Villa Baydhaba.

Ruux naftii hore ah ayaa wuxuu maanta uu isku qarxiyay Xaruunta Villa Baydhaba, oo saldhig u ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, halkaasoo ay wax-yeelo ka soo gaartay askarta Dowladda Somaliya, iyadoo 4 kamid ah ay geeriyoodeen, halka sideed kalana ay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan.

Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu ku faanay inay iyagu ka dambeeyeen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ruxay Villa Baydhaba.

Afhayeenka ayaa wuxuu daaha ka qaaday in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan, isla-markaana sida uu hadalka u dhigay ay ku doonayeen, inay niyadda uga jabiyaan Ciidamadda Amisom, oo uu xusay inay taageero siinayaan Ciidamadda Dowladda Somaliya.

Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu tilmaamay in weerarkaasi ay khasaaro xoogan ugu geystaan dhinaca Dowladda Somaliya, isagoo ka gaabsaday inay khasaaro gaarsiiyaan Ciidamadda Amisom, bacdamaa sida uu hadalka u dhigay uu qorshuhu ahaa, inay niyadda uga jebiyaan Amisom.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyay inay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ilaa sida uu sheegay ay dalka xoog uga saaraan.

Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu ugu dambeen uu Janno uu u rajeeyay, ruuxii maanta isugu isku qarxiyay Xaruunta Villa Baydhaba ee magaaladda Muqdisho.

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980