Madaxweynaha Somalia oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa UNHCR Antonio Guterres
Madaxweynaha Jamhuriyada Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilyay maanta wafdi uu hogaaminyayo madaxa guud ee hay’adda qoxootiga dunida ee UNHCR mudane António Guterres.
Mr. Guterres ayaa sheegtay in booqashadiisha magaalada Muqdisho ay tahay mid uu ku muujinayo taageerada ay la garab tagan yihiin shacabka iyo DKMG ah ee Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray in wakiilkiisa jooga Nairobi uu u soo rarayso magaalada Muqdisho maadaama ay muhiim tahay in hay’adaha gargaarku ay si toos ah ula shaqeeyaan dowladda.
Sidoo kale, António wuxuu sheegay in UNHCR ay ku taageerayso qibradeeda DKMG ah ee Soomaaliya si loo caawiyo dadka barakacayaasha ah ee jooga wadanka gudihiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga hortago waxyaabaha keenaya in ay dadku barakacaan si loo helo xal waara. Sidoo kale Sheekh Shariif wuxuu u sheegay madaxa UNHCR in loo baahan yahay barnaamijyo ka shaqeeya mustaqbalka barakacayaasha.
“Waa inaan laga fakarin oo kaliya dhibka hadda taagan, balse laga fikiraa sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa mustaqbalka barakacayaasha, loogana shaqeyn lahaa horumarkooda iyo hanaanka nabada iyo dowladnimadooda si loo ciribtiro macaluusha iyo dhibaatada aan dhamaadka lahayn,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in hay’ado iyo ururro badan ay wada-shaqaynta kasoo horjeedaan maadaama aysan rabin in lala xisaabtamo, laakiin waxaa muhiin ah buu yiri in xisaabtan uu dhaco si shacabka dhibaataysan ay u helaan wixii loogu talo-galay.