Ganacsatada Reer Puntland oo ku Eedeeyey Maamulka Faroole Kheyru-Masuulnimo iyo in uusan aheyn Xilkas
Ganacsatada reer Puntland ayaa si kulul u canbaareeyey Maamulka Faroole, waxayna xuseen Ganacsatada in Xilkas aanu aheyn C/raxmaan faroole iyo Masuuliyiinta la shaqeysa, waxayna tilmaameen in Dowladda Puntland awood u yeelan weyday inay badbaadiso Kumanaan Xoolo Nool oo saarnaa oo siday Markab meel wax yar u jirta Dekedda Boosaaso ku gubtay.
Markabkan ayaa wax dab-damis ah lagu sameyn, wuxuuna ku sabeeynayey muddo sadex Asbuuc ah Xeebaha Badda Cas ee Deegaanka Caluula isagoo ay saaran yihiin Xoolo weli nafta ay ku jirto, balse aan haysan wax Baad iyo Biyo ah.
Maamulka Puntland ayaa Markabkaas markii loo sheegay u diray dooni yar oo shaqaalaha ka soo badbaadisay, waxayna ka soo laabteen iyagoo aan wax isku day ah sameyn sidii loo badbaadin lahaa hantida saaran ee Xoolaha Nool. Ganacsatada ayaa sheegtay in Canshuur aad u tiro badan Maamulkan ka qaado, hase ahaatee ay ku qabaan dhibaatooyin badan oo dhinaca hanti bur-burka ah ka soo gaaray intii uu Xilka hayey C/raxmaan faroole.
Ganacsatada ayaa ugu baaqay Maamulka haddii uu wax ka qaban waayo cabashooyinka dhinaca dayaca Hantidooda iyo Arxan darada lagu hayo Xoolaha ay ka tashan doonaan maamulka Faroole sidii ay ka yeeli lahayeen.
M ahan markii ugu horaysay ee Gaadiid Badeed sida Xoolo ama badeecad ku gubta ama qaraqma Badda Puntland, waxaa horay afaafka Dekeda Boosaaso ku degtay Dooni ganacsato Reer Boosaaso u rarneyd kadib markii xargaha ay u jaree habeen madow Ciidamada Dekeda dabadeedna jambiga Dhagaxa ku dhufsatay sidaasna ku qaraqantay Doonidaas.
waxaa Isla Bishan Bartamaheedii Badweynta Badda Cas ku degay isla Sanadkan Dooni siday Bagaash iyo Dharka Iida oo Boosaaso u soo socotay, waxayna ganacsatadii ay u rarneyd sheegeen in loo diiday gaadiid Badeed loo diro si Dekeda Boosaaso loo soo gaarsiyo Hantida inta aanay degin Doontaas, waxayna cadeyeen in Maamulka xiriir ay la sameyeen ka agabsaday in uu wax ka badbaadiyo hantidaas shacabka Puntland ka khasaartay.