Dowladda Somaliya oo caawa xaqiijisay inay duullaano ku tahay Gobolada Baay iyo Bakool iyo Shabaab oo iska caabin ku hanjabay
Xilli ciidamo xoogan oo ka tirsan Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ay soo dhoobteen Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ayna doonayaan inay duullaano ku qaadaan Gobolada Baay iyo Bakool, ayay caawa taasi xaqiijisay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaliya, oo ku sugan Gobolka Gedo oo caawa ka soo dhex muuqday Warbaahinta, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay duullaano ku yihiin Gobolada Baay iyo Bakool.
Xildhibaan Sayid ayaa wuxuu tilmaamay in xilligaan ay Dowladda Somaliya ka go’an tahay in Xoogaga Shabaab laga saaro Gobolada Baay iyo Bakool, gaar ahaan Magaaladda Baydhabo oo ay si weyn ugu xoogan tahay Xarakada Al Shabaab.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu xusay in Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ee soo buuxiyay Degmada Luuq ay Dowladda Somaliya ka taageeri doonaan, sidii ay Xoogaga Shabaab uga saari laheyd sida uu yiri Gobolada Baay iyo Bakool.
Sidoo kale wuxuu rajo balaaran uu ka muujiyay in Xarakada Al Shabaab ay maal-maha soo socda kala wareegi doonaan guud ahaan Gobolada Baay iyo Bakool, oo uu muujiyay inay muhiim u ahaan laheyd gacanta Dowladda, haddii ay soo galli laheyd.
Dhanka kale Gaanshaanle Sare Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu isaguna uu caawa xaqiijiyay in duullaano ay ku yihiin Gobolada Baay iyo Bakool, isagoo ku goodiyay inay ka saari doonaan Al Shabaab.
Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay dadaalo balaaran ay ugu jirtaa sidii ay Al Shabaab uga saari laheyd Gobolada Baay iyo Bakool, oo ay intoodu badan gacanta ku heyso, isla-markaana waxay Dowladdu u yeeratay Wadamada Geeska Afrika, sidii ay Al Shabaab uga saari laheyd.
Gudoomiyaha Maamulka Xarakada Al Shabaab ee Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay Sheekh Abuu Safiya, ayaa wuxuu isna uu caawa sheegay in Ciidamadda Itoobiya ee soo gaaray Degmada Luuq ay ku soo wajahan yihiin sida uu yiri Gobolada Baay iyo Bakool, balse kahor inta aysan soo weerarin ayaa wuxuu sheegay inay iyagu weerari doonaan.
Gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxay xilligaan u muuqdaan kuwo ay ka soconayaan dhaq dhaqaaqyo xoogan, waxayna labada dhinac ay sameynayaan gulufyo balaaran oo midba midka kale ka dhan ah, waxayna rayidku ka muujinayaan dareen xoogan.