Raa’isal Wasaaraha Itoobiya ayaa wuxuu si maldahan uu u weeraray Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
Raa’isal Wasaaraha Itoobiya ayaa wuxuu si maldahan uu u weeraray Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isagoo dhinaca kalana difaacay sababahi dhaliyay inay gudaha u soo gallaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.
Raa’isal Wasaaraha Dowladda Itoobiya Meles Zenawi oo xalay ka soo dhex muuqday Telefishinka Qaranka ee Dowladda Itoobiya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ay garab siinayaan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Sababaha ay Dowladda Soomaaliya garab u siinayaan ayaa wuxuu ku tilmaamay in iyadoo Ciidamadda Amisom ay ka soo gudbi la’yihiin Magaaladda Muqdisho, ayna ku baxeyso dhaqaalo xoogan sida uu yiri, taasoo uu ku tilmaamay midda keentay inay markale gudaha u soo gallaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.
“Ciidamadda Amisom waxaa lagu bixiyaa dhaqaalo xoogan, Muqdishina way dhaafi la’yihiin, Dowladda Kmg ah waxay dhawr jeer ay noogu baaqday inaan gacan ku siino dagaalada ay kula jirto argagaxisada Al Shabaab, anagana waan aqbalnay” ayuu yiri Meles Zenawi.
“Ciidamadeena iyagoo difaacaaya Qaramada Soomaaliya iyo Itoobiya, waxay argagaxisada ka difaaci doonaan Gobolada Soomaaliya ee dacalka ku haaya dhinaca xuduuda, maxaa yeelay argagaxisada waa khatar wayna isu tallaabi karaan” ayuu sii raaciyay.
Sidoo kale wuxuu sheegay goobaha ay ka saaraan Xarakada Al Shabaab inay ku wareejin doonaan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, oo ay Qaramada Midoobe u aqoonsan tahay kuwo taageeraaya Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Si kastaba ha-ahaatee Raa’isal Wasaaraha Dowladda Itoobiya Meles Zenawi, ayaa wuxuu qiray in Ciidamadda Itoobiya aysan wax dan ah la’ahayn dalka Soomaaliya, ayna dalka Soomaaliya u galleen iyagoo ka jawaabaaya buu yiri baaqa Dowladda Kmg ah.