Wasiirka Beeraha oo si kulul uga hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay “Warbixin xasaasi ah”

 

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim, ayaa wuxuu si weyn uu uga horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyay.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Beeraha, Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa.
Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo goor dhaw oo caawa ah wareysi gaar ah siiyay Idaacada VOA-da laanteeda afka Somaliga, ayaa wuxuu Sharci daro uu ku tilmaamay tallaabada xil ka qaadista loogu sameeyay.
Wuxuu sheegay in xil ka qaadistiisa loo-adeegsaday inuusan si sax ah u gudan hawlihii shaqo ee uu Qaranka u haayay, hase yeeshee taasi ayaa wuxuu ku timaamay mid aanu waxba ka jirin, oo la-soo dhoodhoobay.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in muddooyinkii ugu dambeysay uu ahaa Ku Simaha Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya, xilli uu sheegay in Raa’isal Wasaaraha uu dalka uga maqnaa dibadda, isla-markaana wuxuu xusay inaysan taasi noqon kareyn sida uu yiri qiil.
Sidoo kale wuxuu qeexay inuu haataan uu ku maqan yahay dalka dibadiisa, isagoo intaasi ku daray in uu hawlo shaqo uu u jooggo Magaaladda Nairobi ee Xaruunta Wadanka Kenya, isla-markaana wuxuu tibaaxay in dariiqo khaldan loo-maray xil ka qaadistii lagu sameeyay.
Dhanka kale Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa wuxuu sheegay in Raa’isal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya aysan ku sameyn kareyn wax xil ka qaadis ah, isagoona u soo daliishaday labada qodob.
1-Wuxuu sheegay in xil ka qaadis uu ku sameyn karo oo kaliya Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, oo xilligaan u kala jabay laba garab, garab taabacsan Madoobe Nuunow Maxamed iyo garab kaloo taabacsan Shariif Xasan Sheekh Aadan.
2-Wuxuu tilmaamay in xil ka qaadista lagu sameeyay uu ka hor imaanaayo sida uu sheegay Sharciga ay xilligaan ku dhisan tahay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo heshiiskii lagu gaaray Magaaladda Kampala ee dalka Uganda.
Ugu dambeen Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in isaga iyo Raa’isal Wasaare Gaas ay wada saaran yihiin hal doon, isla-markaana wuxuu ka diggay tallaabada ay haataan ku dhaqaaqeen isaga iyo Madaxweynaha. Halkaan ka akhriso wareegtada xilka looga qaaday Link

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980