Laba qaraxyo oo caawa ka dhacay dalka Kenya iyo khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Labada qaraxyo ayaa waxay caawa ka dhaceen Magaaladda Mombassa ee dalka Kenya, iyadoo aan la’ogeyn cidda dhabta ah ee qaraxyadaasi geysatay, balse waxaa jira tuhuno ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.
Qaraxyadaan ayaa waxay ka kala dhaceen Mtamba iyo Tononoka, iyadoo qaraxyadaasi ay baqdin ku beereyn shacabka ku dhaqan Magaaladda Mombassa, waxayna xaaladdu tahay mid aanu wanaagsaneyn.
Mtamba waa meel ay Axadii isugu yimaadaan dadka aanu Muslimiinta ahayn, halkaasoo la-sheegay inay ku tuntaan maalin walba oo Axad ah, halka Tononoka ay iyaduna wa-xoogaa ka baxsan tahay magaaladda, wuxuuna gaarigu uu u soconayaa ilaa 10 daqiiqadood.
Wararkii ugu dambeeyay ee khasaaraha ee qarayadani geysteen, ayaa waxay sheegayaan in laba ruux ay ku geeriyoodeen, halka ilaa shan kalana ay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan, iyadoo ay dhaawacyadu yihiin kuwo weli isa soo taraaya.
Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kenya ayaa waxay hawl-gallo ka wadaan Magaaladda Mombassa, mana jirto ilaa iyo iminka cid ay u soo qab-qabteen, balse waxay weli ku hawlan yihiin baaritaano ka dhan ah cidii ka dambeysay.
Saraakiisha Booliska ee Dowladda Kenya oo siyaabooyin kala duwan ula hadlaaya Warbaahinta gudaha, ayaan weli cidina ku eedeyn qaraxyadaasi, hase ahaatee waxaa jirta tuhuno ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980