Manchester City Oo Lagu Dhegay, Arsenal Oo La Garaacay, Iyo Chelsea Oo Guulgaartay.

Mario Balotelli ayaa guul darro xanuun badan ka badbaadiyay kooxda Manchester City xilli ay barbaro 3-3 ah la galeen kooxda Sunderland oo marti ku aheyd Etihad Stadium.
Waa barbarihii labaad oo isku xiga oo City lagu qabto, waxaana hogaanka ciyaarta qabatay Sunderland markii uu gool u saxiixay Larsson, lakiin goolkiiisaas waxaa beeniyay Mario Balotelli oo gool rigoore ahaa u saxiixay.
Nicolas Bendtner iyo Larsson ayaa hadana labo gool ay dhaliyeen hogaanka u dhiibay mar kale kooxda Black Cats, Sky Blue oo ka carareysay guuldaradii ugu horeysay ee garoonkooda ku soo gaarta Premier League xilli ciyaareedkan ayaa waxaa labo gool oo degdeg ah u soo celiyay Mario Balotelli iyo Klorav.
Natiijadan ayaa waxa ay ka dhigeysaa inay City labo dhibcood ka danbeeyaan Manchester United, lakiin kooxda shayaadiinta cas cas ayaa hogaankooda ka dhigan kara shan dhibcood habeenka isniinta hadii ay ka badiyaan kooxda Blackburn Rovers.
Kooxda Arsenal oo natiijooyin fiican ka helayay Premier League isbuucyadii u danbeeyay ayaa waxaa guuldarro 2-1 ah ay ka soo gaartay kooxda QPR oo ay marti u ahaayeen.
QPR iyada ayaa hogaanka ciyaarta ku qabatay gool uu u dhaliyay Taarabt, balse goolkaasi waxaa beeniyay Theo Walcott oo goolka barbaraha u saxiixay kooxda Gunners ka hor inta uusan Diakite goolka guusha u saxiixin Queens Park Rangers.
Arsenal ayaa weli ku jirta kaalinta 3aad iyadoo leh 58 dhibcood, halka Tottenham ay ku jirto kaalinta 4aad iyadoo leh 55 dhibcood, lakiin habeen danbe ayay Spurs ciyaari doontaa.
Chelsea oo tan iyo intii uu qabtay Roberto Di Matteo natiijooyin fiican heleysay ayaa dib u soo nooleysay rajadeeda booska Champions League ka dib markii ay afar gool iyo labo gool direen kooxda Aston Villa oo ay marti u ahaayeen.
Sturridge iyo Ivanovic ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Blues ka hor inta aysan Lichaj iyo Collins aysan u barbareyn kooxda Aston Villa.
7dii daqiiqo ee ciyaarta u danbeysay ayay kooxda Blues heshay goolkii guusha markii uu saxiixay mar kale Ivanovic lakiin waxaa Aston Villa sii quusiyay Fernando Torres oo shabaqa soo taabtay daqiiqadii 90aad ee ciyaarta.
Laacibka reer Spain ayaa u muuqda mid dib u soo helaya kalsoonidiisii hore tan iyo intii uu kooxda hogaanka u qabtay Roberto Di Matteo.
Chelsea waxa ay hatan leedahay 53 dhibcood, iyadoo 2 dhibcood u jirta Tottenham balse Tottenham uu kulan u harsan yahay.