Ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya oo saakay ku jihaystay Afmadow iyo cabsi dagaal oo taagan
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay ka jiraan xiisado dagaal oo udhaxeeya Shabaab iyo ciidamada dowlada KMG oo kaashanaya kuwa Kenya.
Ciidamada dowlada KMG iyo kuwa KENYA ayaa saakay ujihaystay dhanka degmada Afmadow oo ay Shabaab ku xoogan yihiin.
Wararkii ugu danbeeyay waxaa ay tilmaamayaan in dad badan ay ka barakaceen gudaha magaaladda kuwaas oo ka cabsanaya weerar uga yimaada Shabaab.
Xariir aan goordhow la samaynay saraakiisha ciidamada ayaa waxaa ay inoo sheegeen in hada ay kusugan yihiin deegaanka Xayi saacadaha soo aadana ay udhaqaaqi doonaan dhanka magaaladda Afmadow.
Shabaab ayaa iyagana abaabulo ka wada Afmadow iyagoo shacabka ugu yeeraya in ay ka qeyb galaan dagaaladda ka dhanka ah ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada KM.