Faroole Iyo Caalim oo Gaaray Istanbul
Waxaa Magaalada Istanbul soo gaarey Wafti balaaran oo ka socda Dowlada Puntland kuwasoo isugu jira Madaxda Dowlada ugu sareysa, Isimmo, Ganacsato iyo qaybaha Ururada Bulshada Puntland, waxaana hor kacaya Madaxweyne Faroole.
Waftigaan ayaa kasoo kicitimey Dalka Jabuuti, waxaana weheliya Wafti ka socda Galmudug oo uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Axmed Caalim.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole, qaybaha Wasiirada ah iyo Ganacsatada ayaa ka qayb galaya shirka ka furmaya goor dhow Magaalada Istanbul Halka Odoyaal dhaqameedyada oo ku biiraya Odoyaaldhaqameedyo Reer Puntland ah oo horey u joogey Istanbuul ay iyana ka qayb galayaan shirar ugaar ah Odoyaal dhaqameedyada Soomaaliyeed.