Cutubyadii u horeeyay Ciidamo ka socda Jabuuti oo maanta ku soo wajahan Beledweyn
Cutubyadii u horeeyay Ciidamada AMISOM ayaa maanta ku wajahan degmada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo Ciidamadan oo ka socda dalka Jabuuti ay si rasmi ah saldhigyo uga sameysan doonaan magaalada iyo daafaheeda.
Inkastoo lagu waday in shalay soo gaaraan Magaalada, ayaa hadana la sheegay in arrimo farsamo ahaan ay dib ugu dhaceen, hase ahaatee waxaa ku sugan Beledweyn Saraakiil horu dhac u ah Ciidanka Jabuuti oo maalin ka hor soo gaaray.
Gudoomiyaha degmada Beledweyn Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan Ciidamada Jabuuti oo ah dal walaalo ah Soomaaliya, isla markaana isku af iyo isku dhaqanba ay yihiin, isagoo xusay in loo diyaariyay goobihii ay degi lahaayeen.
“Goobaha loo diyaariyay waa sir milateri, laakiin waxaan rajeyneynaa in marka ay yimaadaan inay degaan, waana soo dhoweyneyna”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Beledweyn.
Magaalada Beledweyn oo ku taal Bartamaha Soomaaliya ayaa xuduud la leh Itoobiya, iyadoo la filayo in Ciidanka Jabuuti ay kala wareegaan ammaanka magaalada Ciidamada Itoobiya ee qabtay bishii December dhamaadkeeda sanadkii hore