Eric Abidal Oo Loo Sheegay Inuu Dib U Ciyaari Karo Kubada Cagta.

Difaaca Barcelona Eric Abidal ayaa loo sheegay inuu mar kale ciyaari karo kubada cagta ka dib markii beerka loo bedelay. Juan Carlos Garcia-Valdecasas oo ahaa Daqtarkii fuliyey qaliinka ayaana taas u cadeeyey maanta.
32 jirkaan reer France ayaa laga jaray buro kaga taalay beerka sanadii lasoo dhaafay. Abidal ayaana markaasi ka dib ku soo laabtay garoonka, lakiin hadana waxa ay keentay in mar kale la soo jeediyo in beerka laga bedelo, iyadoo uu ugu deeqay saaxiibkiis.
Inkastoo uu Abidal soo laaban karo hadana dhakhtar Garcia-Valdecasas ayaa yiri: “Wuu soo bogsoonayaa, waqtiga ayaan inoo sheegi doona.
“Hadii Eric uu sifiican u soo kabsado,ma jiraan wax riski sababi kara, Beerku waa mid aan orjinal aheyn taas ayaana ku qaadatay sedax bilood.
“Abidal waa uu soo bogsanaayaa marba marka ka dambeysa, laakiin waxay u dhaxeysaa sedax ilaa lix bilood” ayuuna hadalkiisa ku daray Garcia-Valdecasas.
Ciyaartoyda Barcelona ayaa funaanada Abidal ku xiray halka ugu sareysa ee koobka Copa del Rey marki ay u dabaal degaayeen jimcadii lasoo dhaafay.