Sawiro: Koobka Euro 2012 Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada Warsaw Ee Poland
Waxaa caawa si rasmi ah looga furay magaalada Warsaw garoonka Qaranka Poland koobka Euro 2012, iyadoo xafladii furitaanka oo aheyd mid kooban ay Poland soo bandhigeen bandhig ilbaqabad leh.
Garoonka National Stadium oo ah garoonka lagu furay koobka Euro 2012 oo ay wada martigelinayaan Poland iyo Ukraine ayaa waxaa uu ahaa mid si aad ah loo habeeyay islamarkaana loogu diyaariyay martigelinta koobkaan.
Finalka koobka Euro 2012 waxaa lagu qaban doonaa 1da July Ukraine oo iyadana la filayo in fantasiyo sidaan oo kale ah ay soo bandhigto:









