GROUP A: Poland Iyo Greece Oo Isku Garab Dhacay Ka Dib Labo Gool Iyo Labo Casaan.

Xulka Poland iyo Greece ayaa kulankii ugu horeeyay ee Euro 2012 ku kala baxay barbaro 1-1 ah iyadoo labada xul ay ku dhameysteen min 10 ciyaaryahan.

Inkastoo Poland ay tahay kooxda ugu hooseysa kala sareynta xulalka ka qeybgalaya koobkaan, hadana ciyaarta inteeda badan qeybtii hore iyada ayaa heysatay kubada.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund Lewandowski ayaa ahaa laacibkii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya Euro 2012 ka dib markii uu madaxeeyay karoos uu ka helay saaxiibkiisa Dortmund Blaszczykowski daqiiqadii 17aad ee ciyaarta.

Goolhayaha Greece Chalkias ayaa qalad weyn ku lahaa goolkaas ka dib markii uu ka soo daahay inuu Lewandowski uu ka hakiyo karooskii loo soo dhigay.

Daqiiqadii 35aad ee ciyaarta garsooraha reer Spain Carlos Carballo ayaa bixiyay hurdigii ugu horeeyay oo uu qaatay Papastathopoulos kaasoo qalad ku galay Lewandowski.

Waxaana daqiiqadii 44aad uu Papastathopoulos qaatay casaan ka dib markii si muran uu ku jiro loogu taagay jaalihiisii labaad. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay xulka Greece iyadoo Gariiga ay ku dhameysteen qeybtii hore 10 ciyaaryahan.

Garsoore Carlos Velasco Carballo  ayaa 16 kaar oo casaan ah bixiyay 19 kulan oo uu qabtay La Liga xilli ciyaareedkii soo dhamaaday.

Bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Salpingidis uu barbareeyay xulka Greece daqiiqadii 51aad ee ciyaarta ka dib markii uu helay shabaq banaan markii uu goolahaye Szczesny seegay karoos la soo dhigay.

 

 

Dimitirios Salpingidis ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Greece ah ee koobka kama danbeysta aduunka iyo kan Yurub gool ka dhaliya.

Inkastoo ay 10 ciyaaryahan ku ciyaarayeen Greece qeybtii labaad hadana waxa ay la soo baxeen ciyaar ka duwan tii qeybtii hore, waxaana fursadii ugu fiican ay soo martay markii rigoore loo dhigay daqiiqadii 68aad ee ciyaarta.

Goolhayaha Poland Szczesny ayaa qalad diilinta ganaaxa kula galay Salpingidis, waxaana garsooraha reer Spain uu tilmaamay inay rigoore tahay, isagoo casaan toos ah siiyay goolhayaha kooxda Arsenal.

Goolhayaha PSV Tyton ayaana shabaqa ka bedelay, waxaana uu badbaadiyay rigooradii loo dhigay kabtan Karagounis, waxaana ay labada xul ay wixii intaasi ka danbeeyay kuwada ciyaarayeen min 10 ciyaaryahan.

Greece ayaa firfircoonidii ay la soo baxday qeybtii labaad ku heli weysay goolka guusha, waxaana ay labada kooxood oo kuwada jira Group A ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah.

Ciyaarta labaad ee Group A waxaa ciyaaraya Russia iyo Czech Republic xulkii badiya ayaana hogaanka u qaban doona Group A.

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980