Ra’isalwasaare gabar 8 jir ah oo uu dhalay uga dhex tagey Baar khamriga lagu cabo

Ra’isalwasaaraha Britain David Cameron ayay soo foodsaartey fadeexad & ceeb culus ka dib markii saxaafadu ka warheshay in gabar yar oo uu dhalay oo 8 sano jir ah isaga iyo xaaskiisu uga dhex tageen baar ka dib markii ay ilaaween.

Dhacdadan oo ay saaka si weyn u hadal hayaan saxaafada dalka Britain gaar ahaan Jaraa’idka afka dheer ee sida weyn  loo aqristo ayaa soo tabiyey in Ra’isalwasaare Cameron iyo xaaskiisa Samantha oo ay wehliso gabadhooda Nancy ay Axadii u tageen Bar khamriga lagu cabo oo ku yaal deegaanka Cadsden ee gobolka South Buckinghamshir.~

Ra’isalwasaaraha & qoyskiisa oo uu wehliyo hal baabuur oo ay saaran yihiin ilaaladiisa ayaa axadii ka ambabaxay deegaanka hawlaha maamulka uu ka wado isla markaana qoyskiisa kula nool yahay oo lagu magacaabo Chequers Court iyagoo tagey Bar ku yaal aagaasi kaasi oo ah mid sanooyin badan tamashle u tagi jiray David Cameron, waxaana markii ay dhameysteen khado iyo cabitaano kale ayaa Nancy waxay u kacdey dhanka Musqusha iyadoon u sheegin waalidkeed.

David Cameron & Xaaskiisa ayaa goobtaasi isaga tagey iyadoon la socon gabadhooda waxaana markii ay tageen gurigooda ay ka warhaleen inaanay la socon gabadhooda

.

Ra’isalwasaaraha oo qaracsan isla markaana dhagta la qabto aan la hayn ayaa deg deg ugu cararay Bar-kii, isagoo intii uu jidka ku sii jiray wacay maamulka Baar-ka, waxayse u sheegeen inay hayaan gabadhiisa Nancy oo ay nabad qabto.

Jariirada The Sun oo ka mid aheyd jaraa’idkii dhacdadan sida weyn uga faalooday ayaa sheegay in arintan ay gaartey in xitaa uu ka hadlo xafiiska Ra’isalwasaaraha ee Downing Street.~

Afhayeen u haldey xafiiskaasi ayaa yiri “Ra’isalwasaaraha & Samantha naxdin ayey dareemeen markii ay ka warheleen inaanay la socon Nancy, laakiin nasiib wanaag markii ay waceen baarka waxaa loo sheegay inay nabad qabto oo ay fiican tahay, halkaasi Ra’isalwasaaraha ayaa tagey oo ka soo wadey iyada (Nanc)”.

Mowliid Xaaji Cabdi

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980