Daawo Sawirada: Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo si weyn Nairobi loogu soo dhaweeyay

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya dr Maxamed C/lahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay galab si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Boqolaal ruux oo Soomaali ah ayaa isugu soo baxay gudaha Magaaladda Nairobi si ay usoo dhaweeyaan Farmaajo oo xili ahaa Wasiirka Koobaad ee Soomaalia.

Dadka soo dhaweynayay oo watay calanka Soomaaliya ayaa isugu jiray haween iyo rag aan heyb qabiil ukala soocneyn waxaana markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Joma Kenyata isqabsaday sacab iyo sawaxan xoogan.

Soo dhaweeyayaasha ayaa sheegay in farmaajo uu taageerada ku dalbaday wax qabadkii uu la yimid xiligii uu xilka ka hayay Soomaaliya.

Markii uu soo dagay ayaa waxaa uu lahadlay shacabkii soo dhaweynayay isagoo uga mahadceliyay qaabkii loo soo dhaweeyay islamarkaana ubalan qaaday in uu kulan weyne uqaban doono.

Farmaajo ayaa taageero uraadinaya xisbigiisa Tayo ee uu kaga dhawaaqay dalka Mareykanka, iyadoona soo dhaweyntan ay muujinayso taageerada ay wali shacabka uhayaan Farmaajo.

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980