Xidigaha Manchester United Oo Xin Darteed Dhabarka Xijiyay John Terry Sabab La Xiriirta Rio Ferdinand

Photo: Xidigaha Manchester United Oo Xin Darteed Dhabarka Xijiyay John Terry Sabab La Xiriirta Rio Ferdinand .</p>
<p>Kuwa calaamada cas/gaduudan lagu wareejiyay waa United iyo buluuga wareega ah oo ah Terry.

Dhacdo la yaab leh ayaa ka dhacday garoonkii tababarka ee xulka Ingiriisku ku tababaranayay iyagoo isku diyaarinayay kulan weynaha ay la balansanyihiin xulka faransiiska kulan ka tirsan Euro 2012.

 

Garoonka tababarka ayaa waxaa soo galay ugu horeeyay Terry iyo Ashley Cole oo Chelsea ka xamaasha, waxaa ka daba yimid Garry Naville oo kalkaaliye u ah macalinka xulka Ingiriiska, waxa uu ku yiri suga inta ay kasoo galayaan ciyaartoyda kale, amarkii ayey qaateen Teery iyo Cole.

 

Daqiiqado kadib waxaa soo galay dhamaan intii kale ee xulka, waxaase mar kaliya kaamiradii qabatay dhamaan xidigihii Manchester United uga jira xulka oo gees isugu leexday xitaa kalkaaliye Garry Naville oo isna ahaa xidig United ah, dhanka kale waxaa kasoo jeestay Terry oo isna koox kale ka sameystay oo uu ku jiro Ashley Cole iyo qaar kale oo Arsenal iyo Liverpool ah sida Walcott, Chamberlain, Carrol iyo Johnson, lesscot oo isna Citt ah.

 

Dhacdadan ayaa lagu micneeyay ciilka ay u qabaan reer Manchester United John Terry heerka uu gaarsiisanyahay iyagoo u damqanayay saaxibkood Rio Ferdinand oo booskii xulka ku waayay Terry madixiisa sida ay qabaan iyagu.

 

Arintan ayaa laga yaabaa inay daaha ka qaado kala qeybsanaan ku dhex jirta xulka Ingiriiska walow uusan weli ka hadlin macalinka qaranka.

 

Xurgufta Terry iyo ferdinand ayaa ka bilaabatay markii sida la sheegay uu Terry ereyo cunsuriyad ah ku yiri wiilka ka yar Rio ee Anton Ferdinand oo u ciyaara Queens Park Rangers.

 

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980