Faah Faahin kasoo baxaysa qarax Khasaaro gaystay oo maanta ka dhacay Xerada IFO
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo maanta ka dhacay xerada IFO oo kamid ah xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab.
Sida uu soo sheegayo Wariyaha Warqaad.com ee Dhadhaab waxaa qaraxaas uu dhacay Salaadii Jimcaha kadib waxaana lala beegsaday gaari ay la socotay gudoomiyaha Xerada IFO haweenay lagu magacaabo Isniin Cali Raage.
Waxaa qaraxaas ku dhaawacmay ilaa sedex ruux oo ay ku jirto gudoomiyaha qaraxa lala eegtay ee xerada IFO iyadoo warar kala duwan uu qaabka qaraxa udhacay kasoo baxayaan.
Warar qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay bambo loo dhigay gaari ay la socotay gudoomiyaha halka kuwa kalana ay tilmaamayaan in qaraxa uu ahaa midka gacanta laga tuuro.
Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ay ku dhowdahay xarun ay leedahay Hay’ada Care laguna quudiyo shacabka qaxootiga Soomaalida ah.
Ciidamada amaanka Kenya ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay iyagoo ilaa iyo iminka wada baaritaano xoogan.
Ganacsigii iyo isi socodkii IFO ayaa hakad ku jira iyadoo qaraxaas uusan ahayn kii ugu horeeyay ee ka dhaca Xerooyinka ay degan yihiin qaxootiga ugu badan caalamka gaar ahaan kuwa Soomaali ah.