Is rasaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac oo Ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex martay degmada Hodan

Inta la og yahay labo ruux ayaa ku dhimatay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dad rayid ahaa, kadib markii Ciidamo la sheegay inay ka tirsanaayeen dowladda ay isku rasaaseeyeen nawaaxiga Warshadii Caanaha ee degmada Hodan.
Wararka ayaa sheegaya in Iska hor imaadkan uu salka ku hayay muran la xiriiray lahaansho guri ku yaal xaafadaas, waxaana ragg ku hubeysnaa qoryaha fudud oo xirnaa dareyska ciidamada ay weerar ku qaadeen ragg kale oo iyana ku sugneyd guriga uu muranka ka taagnaa.
Rasaasta labada dhinac oo aheyd mid ay labo jiho ka soo kala ridayeen ayaa keentay in kaam barakacayaal ah oo ku yaal Warshada Caanaha ay qasaare ku gaarsiiso dadka barakacayaasha ee ku jiray kaamkaas.
Nin ay xaaskiisa ku dhimatay is rasaaseynta ayaa sheegay in rasaas lagu harqiyay xaaskisa iyo dad kale, isagoo xusay in saaka uga tagay gurigiisa si nabdoon, markii uu soo laabtay ku arkay ciidamo xaafada aag uga jiray iyo meydka xaaskiisa.
Iska hor imaadyada dhex mara Ciidamada dowladda ma ahan wax cusub, waxaana ay noqdeen kuwo taxane ah, mana jirto ilaa iyo hada wax laga qabtay, marka laga reebo hadalo ka soo baxayay Saraakiisha oo ku aadanaa inay wax ka qabanayaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dhowaan sheegay inay jiraan qaladaad ka dhaca Ciidamada, isagoo ku wargeliyay saraakiisha in askarigii dhibaato u geysta shacabka in ciqaabta lagula fuliyo goobtii uu ku geystay.
Inkastoo Dowladda KMG ay si buuxda gacanta ugu dhigtay Magaalada Muqdisho, hadana dagaaladii u dhaxeeyay iyaga iyo Shabaab waxay noqdeen kuwo ay bedeleen dagaalada dhex mara Ciidamada dowladda dhexdooda

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980