Labo Nin oo Soomaali ah oo ku dhax gubtay Dukaan kuyaala Dalka K/Afrika kadib markii uu ku qarxay Stove Dukaanka yaalay

Waxaa Xalay Dukaan kuyaala Deegaanka Philipi oo katirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika qabsaday Dab xoogan kaa oo guud ahaan baa bi’iyay dukaankaasi sidoo kalana waxyeelo gaarsiiyay dadkii kusugnaa Dukaanka.

Dukaanka xalay gubtay ayaa la sheegay in uu sabab u ahaa Stove-ka Dabka ay dhalinyaradii dukaanka joogay shiteen si ay uga helaan kuleel maadama xiliga qaboobaha lagu jiro qabow darana uu halkaasi kajiro.

Stove-kii oo shiday oo laga buuxiyay Prafin ama Gaas badan ayaa sababay in uusi xoog ah u holco taa oo keentay in guud ahaan uu Dukaaaka ku faafo dabkana uu dhulka dhigo dukaankii oo dhan sidoo kalewaxyeelo gaarsiiyo ragii kusugnaa.

Labo Nin oo kusugnaa Dukaanka xiligii uu gubanayay ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawacyo xoogan oo gubasho ah iyadoona Magacyada wiilashaasi oo helnay lagu sheegay C/Risaaq Cabdulle Shooqaaye iyo Ibraahim Cabdulle Maxamed oo ahaa labo Nin oo Qaraabo ah iyadoona la sheegay in mid kamid ah uu dhaawiciisa wax xoogaa culus yahay.

Waxaa Xisid Mudan in Dukaankan Gubtay Labo Maalin ka hor lagu iibiyay lacag gaareysa R160-Kun oo Ran oo u dhiganta lacag ku dhaw ilaa18-Kun oo Dollarka Mareykanka iyadoona ayasan jirin waxa hanta ah oo ka bad baaday intii dukaanka taalay.

Waa Dukaankii sadaxaad oo sidan oo kale ugu gubta Magaalada Cape Town iyadoona arimahaasi oo dhan loo aaneeyo Stove-ka ay dhalinyaradu ku qaaqamaan ama ay u shitaan in ay ka dugaashadaan dhaxanta oo mararka qaar holac xoogan bixiya marka isaga oo shidan gaas lagu sii shubo ayna ka dhashaan qaraxyo sababa in uu dukaanka uu gubto.


Nuur Maxamed Maxmuud (Nuurotto)

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980