Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Siilaanyo oo isku afgartay in la isu furo isu socodka dadka iyo ganacsiga labda dhinac

Wararka naga soo gaaraya magaaladda Dubai ee dalka Imaaradka Carabta ayaa sheegaya in ay kulan kale yeesheen Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed iyo kan Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Labada Madaxweyne oo kulankoodii labaad isugu yimid mudo 24 sac gudahood ah ayaa waxaa ay ka wadahadleen arimo badan oo ay kamid yihiin la dagaalanka Burcad badeeda, Argagaxisda iyo in la isku furo dhamaan deegaanada Soomaaliya iyo Somaliland sidoo kalana ganacsiga la waado.

Sidoo kale labada Masuul ayaa isla gartay in wadahadalada lasii wado ilaa laga gaarayo xalka dhabta ah ee dhinacyada Soomaaliya iyo Somaliland.

Riix Halkan si aad udhagaysato Waxa kasoo baxay Wadahadalka.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dowalda KMG ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in labada dhinac ay gaareen heshiiyso taariikhi ah.

“Labada Madaxweyne waxay isku afgarteen isu socodka ganacsiga, in siyaasi kasta oo Soomaaliyed u gudbi karo dhinac kale, in ganacsi labada dhinac la xoojiyo, in la sii adkeeyo qodobadii lagu heshiiyay lana ambaqaado wada hadalada kale” ayuu sheegay Sargaalkan.

Wadahadalo kale ayaa lagu wadaa in ay yeeshaan labada dhinac si loo sii xoojiyo wadahadala bilowday iyadoona markan ay tahay tii ugu wanaagsanayd sida ay muujiyeen madaxda dowlada Soomaaliya.

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980