Baarlamaanka Puntland oo Dhaliil Kulul Usoo Jeediyey Xukuumadda Faroole [Warbixin+Sawirro]
Baarlamaanka Dawladda Puntland oo maalmahanba ku guda jiay Kalafadhigoodii 28-aad ayaa maanta dhaliil usoo Jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole in ay ku fashilantay Siyaasadda Gudaha,Siyaasadda Puntland iyo Soomaaliya iyo tan Puntland iyo Caalamka.
Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Baarlamaanka Puntland Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan ayaa Kalafadhiga ka hor sheegay in Xukuumadda hadda jirta ee Puntland haba yaraatee aysan waxba ka qaban deegaanada Puntland isla markaana ku fashilantay dhinacyada Siyaasadda Gudaha,dibada, dhaqaalaha.
Siyaasadda Gudaha ee Puntland
Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan ayaa sheegay in Xukuumadda uu Hoggaamiyo Faroole ay wakhti iyo dhaaqle farabadan gelisay sidii loo Xakameyn lahaa xalna loogu heli lahaa Shaqaaqadii Colaadeed ee ka dhex aloosantay beelaha reer Puntland ee gobolada Bari iyo Karkaar qaarkood taasoo markii danbe xasilinteediina lagu guuleystay isla markaana sidoo kale ay Xukuumadda wax ka qabatay Dekadda Boosaaso iyo iyadoo Xabsi ka wada dhismihiisa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Sidoo kale waxa uu xusay in Siyaasadda gudaha ay Xukuumaddu waxba aysan ka qaban masalaxada guud ee bulshada midnimadeeda,horumarkeeda iyo daryeelkeeda kuwaas oo noqday qaar burburay iyo qaar quus iyo niyad jabab dheliyey,, waxay bulshada Puntland ku hungowday in ay hesho Siyaasad ku baarujiyeysa walaalnimadeeda iyo wax wada qabsigeeda taasina ay keentay in Shacabka reer Puntland ka hami beelaan Xukuumadda.
…..”””Markaan soo qaadano Xukuumadu waxay wakhti dheer gelisay dhaqaale badan gelisay sidii loo Xakamayn lahaa xalna loogu heli lahaa Shaqaaqadii Colaadeed ee ka dhex aloosantay beelaha reer Puntland ee gobolada Bari iyo Karkaar qaarkood taasoo marba soo karaarqaadaneysay ilaa xasilinteedii lagu guuleystay,waxaa xafaarad lagu sameeyey markaan guulaha fiirino dekadda Boosaaso ,waxaana Caasimadda Garoowe laga wadaa Jeel weyn oo baahida Maxaabiista wax ka tari doona haddii Alle Idmo,waxa la rajeynayaa in Safarada iyo kulamada Xukuumadu dibada ku tagtay sida Turkiga iyi Dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya inay wax weyn soo kordhin doonaan in kastoo taasi ay libin lagu naaloodo tahay misana Siyaasadda gudaha intaas ka mug weyni waxay ahayd inay ku dhisnaato dhinac kasta masalaxada guud ee bulshada midnimadeeda,horumarkeeda iyo daryeelkeeda kuwaas oo noqday qaar burburay iyo qaar quus iyo niyad jabab dheliyey, waxay bulshada Puntland ku hungowday in ay hesho Siyaasad ku baarujiyeysa walaalnimadeeda iyo wax wada qabsigeeda isla markaasna u dumaysa isku kalsoonaanteeda umadnimo….””“ayuu yiri.
01. Warbaahin la’aanta Xukuumadda Puntland.
Dhanka Warbaahinta mar uu ka hadlay waxa uu ku sheegay in Xukuumadda Faroole aysan haba yaraatee lahayn Idaacad,Talafishin iyo Webseed ku hadla afka dawladda taasina meesha ay baxday Wacyigelinta iyo borobogaandada dawladeed ee ku wajahan bulshada dal iyo dibadba isla markaana waxa eeda ugu weyn dusha uga tuuray Wasaaradda Warfaafinta oo u ku Sifeeyey mid Shaqadeeda kasoo bixin.
…””Wacyigelin iyo borobogaando dawladeed oo ku wajahan bulshada wargelinteeda guda iyo dibadtooni ahi majiraan,dawladdu Warbaahin sida TV iyo Jaraa’id ay bulshada iyo Aduunka Siyaasadeeda iyo wax qabadkeeda ku gaarsiiso malaha ama iyo cama iyo Indho la’aan waa meel joog AUN waa murtidii Abwaan Maxamed Ismaaciil, Sawirka Siyaasadda Puntland ay leedahay waxa inooga filan Wasaaraddii u xilsaarneyd oo aadan qof masuul ah Xafiisyadeedii ku arkayn,Wasiir iyo Wasiir Kuxigeenba goor Xafiisyadoodii ugu danbeysay lama yaqaan,xaalada wadankana lama socdaan sey inta badan wadankaba majoogaan..”“ayuu sheegay Xildhibaanku.
02. Hoggaanka Dhaqanka Puntland oo Kala Jabay.
Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Baarlamaanka Puntland oo hadalkiisu dhinacyo badan taabanayey ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay in Hoggaanka Dhaqanka ee Puntland maanta uu ku kala Jabay Siyaasad la dhexdhigay awgeed isla mar ahaantaana jiho loo raaco oo loo midaysanyahay la aqoon iyadoona waxqabad la’aanta Xukuumadda ee aan la difiri karin ay kamid tahay u Sameyn la’aanta Golayaal degmo ee Puntland halkaas lagu waayey horumarkii goboladu ku taamayeen.
….””Wadajirkii bulshada Puntland oo kala dhantaalmay qaarkeedna badankood Isku gulmay, hoggaan dhaqeemadeenii oo Siyaasad la dhexdhigay awgeed ku kala jabay halkaasnaa ay dhaqankii iyo Siyaasadii isku murgeen ilaa maantana jiha loo midaysanyahay aan la arag bulshadeeniina ku wareertay inaan tashi Golayaashu u dhan yihiin xaalada murugsan ee Siyaasadeed lagu wajihin,waxaan Indhaha laga qarsan karin inay jiraan kala miiran bulsho,dusmayn Ciidan iyo dhul ququbasho Siyaasadeed oo ay ku wacantahay markii la Xoreyn waayey degaanada Puntland waxayna Jebisay dawladui markaas qodobka 7-aad ee Dastuurka Puntland,waxay Siyaasadu guduhu si tulud la’aan ah ugu fashilantay dhismihii golayaasha deegaamada dhowr degmo maahee halkaas oo u horumarkii goboladu ku hagaasmay,…””ayuu yiri.
Siyaasadda Puntland iyo Soomaaliya.
Xukuumadda hadda ee uu Hoggaamiye Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ayuu ku amaanay Xildhibaanku in ay kaalin Shariif ah ka ciyaartay mowqifyada Siyaasadeed ee ay la wadaagto Dawladda KMG ah ee Soomaaliya kaasoo magacii iyo maamuuskii Puntland ba kor u qaaday isla markaana ay ka qeybgashay Shirar aan marna loo quuri jirin Shirar arrimaha Soomaaliya lagaga hadlaayo oo Caalamku dhinac ka yahay in lagu qabto ayna dawladdu ku mintiday suurtana gelisay inay Puntland lagu qabto.
01. Xaafadda Baraxley [Gal-Mudug]
Sidoo kale waxa uu sheegay in la yaaab iyo ama kaad ahayd in Xukuumadda Cabdirixmaan Faroole ay aqoonsatay Xaafad Jabkeed oo Baraxleh la yiraahdo waa sida uu sheegaye oo Gaalkacyo kutaal taasi oo maamul muddo sheeganeysay aan marnaba loo aqoonsan Puntland ka hor taasoo aan buuxin Sharuudihii laga rabay Dawlad-goboleed isla mar ahaantaana Aqoonsiga Xaafadaas ay Puntland Ogolaatay waxa uu hoos u dhigay buu yiri Mustawihii iyo iyadii oo la barbar dhigay kuna noqotay laf dhuungashay.
02. Shirkii oo Ka Qeybgalkiisa Xukuumadu ku degdegtay.
Shirkii lagu qabtay dhawaan magaalada London ee caasimada Ingiriiska ee ay qeybta ka ahayd Puntland ayuu sheegay in gebi ahaanba uu khalad ahaan in laga qeybgalo isla markaana uu ahaa Shir ay dawladda Ingriisku Caalamka ku tuseysay Somaliland mowqifkeeda iyadoona isku barbar dhigtay Soomaaliya iyo Soomaliland laguna baray
……”””Heshiisyadii la galay waxaa xigay Puntland iyo Dawladda Federaalka KMG ah inay carqalada Siyaasadeed ka dhex aloonsatay taasoo sababtay inay dawlado isugu yeeraan sida Itoobiya oo kale ilaa iminkana uusan jirinin heshiis guntimay oo la dugsan karo,waxaa magacii iyo miisaankii Puntland shiiqiyey heshiisyada ay Dawladda KMG ah la gasho oo aan marka hore go’aan loo dhanyahay laga qaadan taas waxaa laga dhaxlay is qabqabsi joogto ah iyo Siyaasadeenii oo hooska labadiisa gelin noqotay,waxaa si Indho la’aan ah afka looga galay kulankii Ingiriisku Caalamka London ugu qabtay oo dulucdiisu ahayd in Somaliland mowqifkeeda aduunka hor dhigo halkaasna Soomaaliya iyo Somaliland la isku barbar dhigay Caalamkana lagu barayey,…””ayuu yiri.
Siyaasadda Puntland iyo Caalamka.
Xildhibaanka oo eedeyn kulul ku harqiyey Xukuumadda Faroole ayaa tilmaamay in mar kasta oo Puntland ay yimaadaan Wafuud Caalami ah lay Xukuumaddu la gasho heshiisyo Shirkaddo dibadeed iyo dawlado Shisheeye iyadoo marnaba laga qeybgelin golaha Wakiilada isla mar ahaantaana la hor keenin Ujeedada Qodobada la gaaray Baarlamaanka hortiisa.
.…””””Waxaa Puntland yimid 6-Safiir oo wadamada Iskandaneefiyaanka kamid ah iyo Wafuud kale oo laga wadahadlay inay wax ka qabtaan kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland,waxaa markasta socda heshiisyo ay Xukuumadu la gasho Shirkaddo dibadeed iyo dawladdo Shisheeya ah wajigee doonaanba ha lahaadeene’”e Xukuumadu golaha Wakiilada kulamadaas kama qeybgeliso waxa lagu gaarana ma hor keento, waana meelaha mugdiga iyo Isfahamdarada golayaasha dawladdu Salka ku hayaan ,waa qodob Dastuuri ah inay heshiisyada Caalamiga ah ee Dawladda Puntland dhinac ka tahay uu golaha Wakiiladu cod kala bar iyo hal dheeri ah ku ansixiyo qodobka 64-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Puntland, hadaan nidaamkaas la xaq dhowrin heshiiskii la galaa waa aan waafaqsaneyn nidaamka dastuurka Puntland,…”“ayuu sheegay.
Waxa uu tibaaxay in Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan in Hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawlgala gudaha deegaanada Puntland ay sidey doonaan u maamushaan hawshooda isla markaana aysanba jirin cid la Xisaabtan dhab ah la sameysa,wuxuuna intaas ku daray in Shaqaalaha Xirfadleyda ah ay qaataan Hay’aduhu kasoo kaxaystaan Muqdisho,Baydhabo iyo Nairobi iyadoo ay jiraan dhalinyaro reer Puntland ah oo Xirfadaas leh.
.…”””Hawlwadeenada Xirfadleyda iyo Shaqaalaha waxay hay’aduhu ka qaataan amaba kalaba yimaadaan Koonfurta Soomaaliya,Baydhabo iyo Kenya lama diidana kii Xirfad aqooneed looga maarmi waayo hayeeshee iaydoo ay joogaan aqoonyahano iyo dhalinyaro Jaamacadaha gudaha iyo dibada kasoo baxday oo reer Puntland ah ayeysan hay’aduhu Puntlander-ka wax tixgelin ah siin marka fursadaha Shaqada tartanka loo gelayo waxay hay’aduhu ka qeybgalayaasha sida badan ku yiraahdaan Muqdisho taga oo Imtixaanka ku gala, Imtixaanka ay Puntland ka qaadaan Naitobi bay kusoo Saxaan halkaasoo Puntlanderka fursada lagu seejiyo,waxay ahayd Puntlanderku inuu Xaqa wadaniyadeed ee kowaad uu leeyahay, Soomaaliga kale inuu xaqa labaad leeyahay, kan Shisheeyaha ah Xirfad aqooneed looga maarmi waayaana inuu Xaqa Saddexaad leeyahay,…””ayuu yiri.
Baarlamaanka Puntland ayaa kalafadhigaan 28-aad u muuqanaya kuwa Seefta galka kala baxay,iygoona la Xisaabtan dhab ah la gelaya Xukuumadda hadda ee Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole,waxan kulankii maanta hareeyey buuq iyo sawaxan iyadoona loo balamay in Isniinta la isugu soo laabto Golaha Baarlamaanka.
