Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Puntland: Shirkadda Saracen Dalka Sharci darro Ayey Ku Joogtaa!!!.

Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Dawladda Salaad Xareed Cali ayaa si aan ka gabasho la’ayn uga hadlay Joogitaanka deegaanada Puntland Shirkadda Saracen International oo ah mid dhanka Tababarada gacan siisa Ciidamada Badda Puntland.

Md. Salaad Xareed oo khudbad ka Jeediyey Kalafadhiga Baarlamaanka Puntland ay yeesheen ayaa sheegay in Shirkadda Saracen International aysan hab Sharci ah ku joogin gudaha Puntland isla markaana loo baahanyahay in wax laga Ogaado Sababa wakhtigan ay Ujoogto.

Waxa uu tibaaxay in bishaan duqeyn loo geystay deegaanka Balidhidin ee gobolka Bari ay ka danbeeyeen diyaarado ay leedahay Shirkadda Saracen isla mar ahaantaana qof walba uu Isweydiinayo sababta keentay in magaalo iyo dad degan oo si nabad ah kunool si Sharci daro ah la isaga duqeeyo.

....””””Degmo kamid ah gobolka Bari bay garaaceen,Puntland maxaa ka yaallay xeer in magaalo degan la garaaco.waxaa garaacay niman ajnabi ah oo gaalo ah calooshood u shaqeysteyaal ah (Mercenaries) oo dan gaar ah wadanka u jooga oo aan ku imaan sharci’’,ayuu sheegay isagoo si cad ku tilmaamay Calooshood u shaqeysteyaal…”””ayuu yiri.

Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay dilka loo geystay mid kamid ahaa Saraakiisha Shirkadda Saracen oo lagu dilay meel u dhow aaga degmada Iskushuban ee gobolka Bari ayaa ku sheegay in Sarkaalkaasi uu gudaha Puntland ku joogay si sharci darro ah.

Sidoo kale Maxamuud Jibriil oo ah askarigii loo qabtay falka dilka ah ee Sarkaalka reer South Afrika ayuu Md. Salaad Xareed ugu baaqay cida uu u xiranyahay in hab sharciga waafaqsan isla markaana kiiskiisa si cadaalad ah loo baaro ee uusan Xabsiga isga jirin.

Amaanka Puntland.

Mar uu ka hadlay amniga deegaanada Puntland ayuu sheegay in ay gacanta kula jiraan dad Ajaanib ah isla markaana ah Calooshood u shaqeystayaal ah,wuxuuna intaasi ku daray in loo baahanyahay in la cadeeyo mar kasta taas.

Xabsiyada Puntland

Md. Salaad Xareed ayaa cadeeyey in ay jiraan dad isga jira Xabsiyada Puntland iyadoona aan loo marain hab waafaqsan dhanka Sharciga,wuxuuna tibaaxay in haba yaraatee lasoo taagin Maxkamad isla markaana waxaa xusid mudan in Guddiga amaanka Baarlamaanka Puntland qaabilsan markii hadalkaas la dhagaystay ay taas u qireen.

……”””Qofka waxaa lagu xiri karaa maxkamada sharci ah oo dastuuri ah,maxkamad kale iyo cid kale dambi kuma qaadi karto.waxaa halkaas ka cad oo Guddiga amniga uu cadeeyay dad in ay iska xiran yihiin oo aan maxkamad la keenin…”“ayuu yiri.

Xildhibaanada Wakiiladda Puntland ayuu ka codsaday in Md. Salaad Xareed in Shaqadooda u gutaan si daacadnimo leh isla mar ahaantaana aysan ka leexleexan sharciga iyo kala danbeynta lagana hadlo danaha Shacabka.

Si kastaba Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa kalafadhii maanta dood kulul ka yeeshay arrimaha Siyaasada,dhaqaalaha, amaanka isla markaana ku dhaliilay Xukuumadda Cabdirixmaan Faroole wax qabad la’aan baahsan.

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980