Abuu Muscab “Dagaalo kala duwan ayay Mujaahidiinta ku qaadeen Saddex Wilaayo, cadawgana qasaara gaaray”
Afhayeenka howl galada Al-Shabaab u qaabilsan C/casiis Abuu Muscab ayaa ka warbixiyay dagaalo saacadihii la soo dhaafay uu sheegay inay ku qaadeen ilaa saddex gobol oo ay kula dagaalameen Ciidamada dowladda iyo kuwa taageeraya.
Abuu Muscab ayaa sheegay in weerar habeen hore ku qaadeen Xero Ciidamada dowladda ku lahaayeen meel ku dhow degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ay qasaare xoog leh ku gaarsiiyeen.
“Mujaahidiinta waxay xerada ay ku sugnaayeen Murtadiinta meel ku dhow Afgooye la beegsadeen gantaalada garbaha laga tuuro iyo qoryaha boobayaasha, halkaas waxaa dab ku qabsaday keydsanaa hub iyo rasaas, meeshaas ayaa Saadkii ugu jiray ku bur buray”ayuu yiri Abuu Muscab.
Sidoo kale Afhayeenka howl galada Shabaab Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalo dhowr ah ay ka dhaceen deegaan 20-KM u jira degmada Xudur, isagoo xusay inay jidka u galeen Kolonyo Ciidamada Itoobiya la socdeen.
“Deegaan 20-KM u jira degmada Xudur oo lagu magacaabo Abaq-galoole ayaa ciidanka xabashida lagu galay, sidii ay u yimaadeen Xudur waa ku go’doosanaayeen, meelna uma dhaqaaqin, Isgaarsiinta ayay damiyeen, Mujaahidiinta waa ka war heleen, markii ay soo baxeen ayay jidka u galeen, dhowr jeer ayaana dagaalka la isku noqsaday, ilaa saddex jeer soo laabteen”ayuu yiri Abuu Muscab oo tilmaamay inay qasaare ballaaran ay gaarsiiyeen Ciidamada Itoobiya.
Waxaa uu kaloo sheegay in weerar dhaba gal ah ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Brundi, kuwaasoo marayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, isagoo sheegay inay gubeen Gaari Taw ah sida uu hadalka u dhigay.
Marka laga reebo sheegashada Al-Shabaab ee dagaalada ay qaadeen, ayaan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada ay dagaalka kula jiraan ee Ciidamada AMISOM, Itoobiya iyo ciidamada dowladda.
Al-Shabaab ayaa tan iyo markii gacantooda ka baxday deegaano badan muhiim ah, u bedelay xeeladooda dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, iyo weeraro ay dhabaha ugu galayeen Kolonyada Ciidamada huwanta ee ku safreysa deegaanada ay qabsadeen