Ciidamada dowlada KMG oo Nin katirsan Shabaab ku toogtay Muqdisho

Ciidamada nabad sugida dowlada KMG ayaa siyaabo kala duwan xalay ugu dilay Magaaladda Muqdisho rag katirsan Shabaab.

Askarta dowlada ayaa xalay degmada Shibis ku qaarajiyay Nin la sheegay in uu qaraxyo ka gaysan lahaa halkaas.

Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ciidamada dowlada KMG ay toogasho ku dileen Nin watay waxyaabaha qarxa iyo hub ay kamid tahay Baastoolad.

“ciidamada dowlada xalay waxaa ay ku toogteen degmada Dayniile dhagar qabe doonayay in uu dilal amaan xumo ah gaysto”ayuu sheegay Ereg.

“waxa uu isku dayey inuu baxsado waxaana uu ciidammada kusoo riday rasaas balse markii dambe waa la toogtay dhibaatadii uu umadda u maleegayeyna Alle wuu nagu guuleeyey inaan ka hortagno,bastooladiisiina gacanta ayaan ku heynaa” ayuu yiri Corneyl Khaliif Axmed Ereg.

Amaanka magaaladda Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoona degmooyinka qaar la geeyay ciidamo hor leh oo amaanka suga

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980