Sh Shariif: Farmaajo ma uusan lunsan hanti ay leedahay dowlada

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa beeniyay eedeyn katimid QM kaas oo lagu sheegay in madaxda haatan dowlada Soomaaliya iyo Xukumadii Farmaajo ay lunsadeen lacag badan oo qaranka uu leeyahay.

QM ayaa sheegtay in Farmaajo uu lunsaday hanti badan, laakiin madaxweynaha dowlada ayaa tilmaamay in lacagtaas meelihii loogu talagalay lagu bixiyay.

Waxaa uu tilmaamay in lahayo cadayn muujinaysa halka ay lacagahaaas ku baxen, madaxda dowlada iyo Farmaajana aysan lunsan.

“ farmaajo waxa uu ku qabtay Dhaqaalihii wax wayn, Ciidamada ayuu dhisay dagaalkii uu bilaabay, waa lagu guulaystay, marka lama oran karo farmaajo waxbuu dhacay ama lunsaday”ayuu si kulul u Yiri madaxweyne shariif.

“ dowlad wanaag

“ waxaan Oran karaa Maxamed C/llaahi farmaajo, wax badan ayuu qabtay, Aniga Marka ma ahan in shaqsiyadiisa la dhaawaco, dalka iyo dadka ayuu wax u qabtay farmaajo”ayuu Markale Yiri Madaxweyne shariif.

Raisal wasaaraha Soomaaliya Prof. C/weli ayaa ku eedeeyay in xukuumaddii Farmaajo ay ku maqan tahay 3.5 US $ Milyan oo dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya, waxeyna lacagtaasi ay aheyd qeyb ka mid ah 10 Milyan dollar oo Imaaraadku siiyey Soomaaliya.

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980