Dowlada Maraykanka oo ka digtey ammaanka wadamada geeska Afrika

Dowlada Mareykanka ayaa uga digtay dadka u dhashay dalak Maraykanka inay u saftaan dalal badan oo ka tirsan caalamka iyagoo ka digey ammaanka wadamo badan oo dunida ah.
Xafiiska Latashiga Arrimaha gudaha ee waaxda Arrimaha Dibada ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo muujinaya in shabakadaha argagixisada ay qorsheynayaan sidi ay u weerari lahaayeen dadka Mareykanka ah ha joogeen gudaha ama dibada.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in wadamo ku yaal bariga dhexe iyo Afrika ay ka howlgalaan ururka Alqaacida.
Waxaa si gaar ah muwaadiniinta Mareykanka loogula taliyey in aysan u safrin dalalka Yemen, Algeria, Kenya iyo Somalia.
Warbixintu leedahay waxaa xitaa suura gal ah in lagu beegsado muwiidiniinta Mareykanka dalalka ku yaala Bariga Qaarada Yurub

Leave a Reply

Somaliya 1960
Sanad Guuradii Puntland 2011
Somaaliya 1980
Somaliya 1980