Shirka wadatashiga haweenka Somaliyeed oo Garoowe ka Furmay (cod & sawiro)
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 19 July,2012 si rasmi ah u furey shirweynaha haweenka Soomaliyeed oo ka kala socdey Puntland ,Galmudug ,Ahlu Sunna ,Ximan & Xeeb iyo maamulka gobolka Hiiraan.
Kulankan oo hal maalin ah ayaa haweenkani kaga hadlayaan horumarka laga gaarey geedi socodka nabada Somalia ee dhamaystirka xiliga KMG-nidama iyo weli qoondeyntii haweenka Soomaliyeed laga siiyey hayadaha dowladda oo gaareysey 30%.
Qabsoomidiisa ayaa waxa iska kaashadey wasaarada haweenka Puntland ,UN-ka hayada Haweenka u qaabilsan ,hayada UNDP iyo xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia ee UNPOS.
Wasiirka haweenka iyo horumarinta arrimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geele Diiriye oo ka hadashey bilawgii shirkan ayaa ku dheeraatey ajandahiisa iyo waxyaabaha ay ka wada hadlayaan haweenku.
Waxay sheegtey in shirweynahan laba qaybood loo kala qaadey oo iyaguna martigelinyaaan gobollada dhowaan la xoreeyey iyo Galmudug halka Magaalada Muqdisho lagu qabanayo Jowhar ilaa Xamar haweenka jooga islamarkaasina war murtiyeed mideysan laga soo saari doono dhamaadkiisa.
Isdhexgalka bulshada iyo xoojinta nabada ayaa sidoo kale ay soo hadal qaadey Caasho Geele maadaama haweenku laf dhabar u yihiin hanaanka xasilinta dalka iyo kaalinta ay ka qaadan karaan xalinta khilaafaadka.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole oo shirweynahan furey ayaa sheegey inay farxad gelineyso sida haweenka Soomaliyeed ay uga qayb qaadanayaan hirgelinta qorshaha nabada Somalia.
Waxa uu Dr.Cabdiraxman Farole tilmaamey in haweenka looga baahanyahay inay ka shaqeeyaan nabadeynta dibu heshiisiinta iyo weliba sidii Qarankii Somalia dib loogu soo celin lahaa.
Madaxweynuhu waxa uu ka waramay Khariidada Somalia ee RoadMapka sida ay ku soo bilaabmatey iyo dhamaystirkeeda oo dowladd Soomaliyeed lagu sameynayo 20-ka August2012.
Dhinacyada haweenka Somaliyeed ayuu kula dar daarmey inay iska ilaawaan wixii dhacey burburkii dalka kadib islamarkaasina loo baahanyahay in ay ka tashadaan aayahooda mustaqbalka.
Xuquuqadaha ay leeyihiin ee qoondeynta 30% ayuu odayaasha dhaqanka ugu baaqey inay diiwaan gelinyaan haweenka si ay uga qaybqaataan siyaasada dalka iyo dib u dejintiisa sida ku qeexan heshiiskii Garowe 2 Feb2012.
Kulan ayaa lagu wadey inuu labo maalmood socdo balse munaasabada Ramadaanka awgeed ayaa lagu soo koobay hal maalin iyadoona galabata looga fadhiyo qabanqaabiyaasha shirweynahan war murtiyeedka ay ku heshiiyeen haweenka Soomaaliyeed kulankooda Garowe.
Halkan ka dhageyso codadka wasiirka haweenka & Madaxweynaha Puntland